Dadweynaha ku nool degmada Lokitaung ee deegaanka Waqooyiga ismaamulka Turkana ayaa cabasho ka muujinaya in aynan adeegga korontada haysan muddo afar cishe ah.
Waxay shirkadda korontada ee dalka ee KPLC ugu baaqeen in ay xalliso cilladdan oo saameyn ku yeelatay howlaha ganacsiga,isgaarsiinta , waxbarashada iyo bixinta adeegyada caafimaadka.
Waxay wasiirka tamarta iyo batroolka ee dalka Opiyo Wandayi ka codsadeen inuu wax ka qabto dhibaatada ay wajahayaan.