Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Musalia Mudavadi ayaa gaaray caasimadda waddanka Namibia ee Windhoek.
Agaasimaha dhanka saxaafadda ee xafiiska madaxa wasiirrada dalka Jacob Ng’etich ayaa bayaan ku xaqiijiyay in Mudavadi oo ku sugnaa Shiinaha uu u sii gudbay Namibia.
Waxaa uu hoggaamin doonaa wada hadallada lagu xoojinaya xiriirka labo geesoodka ah ee ka dhexeeya dowladda dalkaasi iyo Kenya gaar ahaan dhanka ganacsiga.
Mudavadi ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inuu la kulmi doono madaxweyne ku xigeenka Namibia ,Netumbo Nandi-Ndaitwah iyo wasiirka xiriirka iyo iskaashiga caalamiga Peya Mushelenga.
Booqashadan oo lagu tilmaamay mid heer sare ah ayaa door wayn ka qaadan doonto sare u qaadidda cilaaqaadka Kenya iyo Namibia ee dhinaca dhaqaalaha iyo dibloomaasiyadda.
Waxaa la filayaa in mas’uuliyiintan ay dib u eegis ku sameeyaan heshiisyo muhiim oo dhowr ah oo labada waddan ka dhexeeyay tan iyo sanadkii 1964-dii.
Xiriirka soo jireenka ah ee dowladahan ayaa sanadkii 1992-dii waxaa rasmi looga dhigay heshiis guud oo ku saabsanaa iskaashiga oo xilligaasi la wada saxiixday.
Kenya iyo Namibia ayaa ka wada shaqeeya arrimaha beeraha, caafimaadka, duullimaadka iyo waxbarashada.
Labada waddan waxay xubno firfircoon ka yihiin heshiiska aagga ganacsiga xorta ah ee qaaradda Afrika ee (ACFTA),suuqa bariga iyo koonfurta Afrika ee COMESA iyo dallado kale.
Musalia Mudavadi ayaa sheegay in ganacsiga labada dal uunan isku dheellitirnayn.
Waxaa uu tilmaamay in badeecooyinka ay Kenya u dhoofiso Namibia ay qiimo ahaan yihiin 106.31 milyan oo shilin iyadoo kuwa dalkaasi laga keena ay qiimo ahaan u dhigmaan 117.76 milyan oo shilin sanad kasta.
Madaxa wasiirrada dalka ayaa sheegay in Kenya ay awood u leedahay in ay waddamada kale ee caalamka u iibgeyso badeecooyinka sida caleenta shaaha, qaxwada iyo dalagyada kale ee beeraha.
Namibia ayaa qiyaastii boqolkiiba 50 ee badarkeeda u soo dhoofiso Kenya.
Musalia Mudavadi ayaa diiradda saari doono inuu maalgashatada labada waddan ku dhiirrigeliyo in ay ka faa’iidaystaan xiriirka adag ee dibloomaasiyadeed ee dalalkooda ka dhexeeya si ay sare ugu qaadaan ganacsigooda.
Sidoo kale waxaa uu u ololeyn doonaa in la sameeyo hannaan dal ku gal ama fiisa oo lacag la’aan ah.
Waxaa uu dabagal ku sameyn doonaa ballanqaadkii dowladda Namibia ee ahaa in ay ganacsatada kenyaanka ah siin doonto dal ku gal ganacsi oo shan sano ah.
Marka ganacsiga laga soo tago, wada hadallada ayaa ku saabsanaan doono ka faa’iidaysiga kheyraadka badaha , keydinta biyaha iyo dhaqashada xoolaha.
Musalia Mudavadi ayaa sidoo kale madaxda Namibia kala hadli dono in shirkadda duullimaadka ee Kenya Airways ay diyaaradaheeda si toos ah ugu kala gooshaan labada dal.
Dhanka dibloomaasiyadda, waxaa uu taageero u raadin doonaa musharraxa xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da Raila Odinga si bisha Labaad ee sanadka 2025-ka jagadan loogu doorto.