Xildhibaanka Kiharu oo baaq u diray TSC

0
176

Xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Kiharu ee ismaamulka Murang’a Ndindi Nyoro ahna guddoomiyaha guddiga qoondeynta miisaaniyadda ee baarlamaanka ayaa baaq u diray guddiga adeegga macallimiinta ee TSC.
Waxaa uu kula taliyay in guddigu uu shaaciyo taariikhda macallimiinta wax ka dhiga fasallada hoose ee dugsiyada sare ee JSS si joogto ah loo shaqaaleysiin doono.
Xilli uu ku sugnaa deegaan baarlamaneedka Aldai ee ismaamulka Nandi ayuu sheegay in dowladdu ay lacag dhan 18.7 bilyan u qoondeysay in si joogto ah loo howlgeliyo 46,000 oo ah bareyaasha JSS.
Waxaa uu xusay in TSC ay dhaqaalahan haysato sidaasi awgeedna looga baahan yahay in ay ka dhabeyso qorshihii hore.