DHAGEYSO:Sheekh Xasan Cameey oo ku baaqay in wax laga qabto dil xalay waardiye loogu gaystay Garissa

0
708

Guddoomiyaha dallada hoggaamiyaasha muslimiinta dalka ee NAMLEF laanteeda ismaamulka Garissa Sheekh Xasan Cabdullahi Cameey ayaa tacsi u diray qoyska iyo ehellada uu ka baxay Rooble Xasan Aadan oo ahaa waardiyaha dugsiga sare ee gabdhaha ee Iftiin Girls ee magaalada Garissa oo xalay la dilay.
Waxaa uu qaybaha kala duwan ee bulshada Garissa sida waxgaradka , culimada, madaxda iyo saraakiisha ammaanka ku boorriyay in ay yeeshaan kulamo looga arrinsanaya soo afjaridda dilalka noocani ah oo horayna u dhacay.