Dowladaha Kenya iyo Ingiriiska ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay dhaqangelinta heshiiska iskaashiga dhaqaale ee ka dhexeeya ee (EPA) iyo in jawi ku habboon ganacsiga loo abuuro mashaariic kala duwan oo uu Ingiriiska ka fulinaya gudaha dalka.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday wasiirka wasaaradda maalgashiga , ganacsiga iyo warshadaha ee waddanka Salim Mvurya oo ay kulmeen safiirka UK ku matalo Kenya Ambasadoor Neil Wigan.
Mvurya ayaa sheegay in golaha heshiiska iskaashiga dhaqaale ee EPA uu qaaday tallaabooyin lagu dardargelinaya maalgashiyo heer caalami ah , lagu fududeynaya ganacsiga labo geesoodka ah sidoo kalena lagu ballaarinaya waxyaabaha ay Kenya dibadda u dhoofiso.
Ambasadoor Neil Wigan ayaa dhankiisa dowladda Kenya ku bogaadiyay in ay ku dadaashay sidii loo abuuri lahaa jawi ganacsi oo soo dhaweynaya maalgashatada Ingiriiska.
Waxaa uu xusay in labada dhinac uu ka dhexeeyo xiriir dhaqaale oo adag oo ay ka wada faa’iidayaan.
Wasiirka ganacsiga ayaa dhanka kale soo dhaweeyay go’aanka boqortooyada Ingiriiska ee qiimaha kormeerka misirta ay Kenya u dhoofiso UK oo ahaa boqolkiiba 10 looga dhigay boqolkiiba 5.