Dorcas Oduor oo ku boorrisay Kenyaanka inay u hoggansamaan amarrada maxkamadaha

0
138

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka ee dhawaan la magacaabay Dorcas Oduor ayaa ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo amarrada maxkamadaha waddanka.
Waxay si cad u sheegtay in u hoggaansanka awaamiirta maxkamadaha ay waajib ku tahay qof waliba oo kenyaan ah .
Dorcas ayaa hoosta ka xarriiqday in aynan jirin cid ka sarreysa sharciga xita golaha fulinta ee dowladda.
Waxay carrabka ku adkeysay in guddiga adeegga garsoorka iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ay mar waliba u hoggaansamayaan dastuurka waddanka lagu maamulo iyo ilaalinta sharciga.
Xeer ilaaliyaha qaranka ayaa ballan qaadday in gudashada waajibaadkeeda shaqo ay ku saleyn doonto danta guud iyo xeerarka dastuuriga ah.