Shacabka oo laga qayb gelin doono aqoonsiga casriga ee Maisha Card

0
373

Laga billaabo toddobaadka soo socdo, isku duwayaasha dowladda sare ku matalo gobollada iyo ismaamullada ayaa billaabi doono kulamo dadweynaha looga qayb gelinaya daahfurka aqoonsiga casriga ee Maisha Cards.
Ujeeddada arrintan laga leeyahay ayaa ah in shacabka fursad loo siiyo in ay afkaartooda ku biiriyaan dejinta xeerarka ku saabsan bixinta aqoonsiga dhijitaalka ah iyo shahaadooyinka dhalashada iyo kuwa dhimashada.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday xoghayaha waaxda socdaalka iyo adeegyada jinsiyadeed ee dalka Julius Bitok.