Shan qof oo isku qoys ahaa oo maanta ku dhintay shil ka dhacay wadada isku xirta Mombasa iyo Nairobi

0
719

Shan ruux oo isku qoys ahaa ayaa ku geeriyoiday shil gaari oo saaka arrortii ka dhacay wadada isku xirta Mombasa iyo Nairobi, sida uu xaqiijiyay taliyaha taraafikada ee gobolka Xeebta Peter Maina.
Shilkaan ayaa yimid saacado uun ka dib iyadoo ay 3 qof ku dhinteen shil baabuur oo ka dhacay Koonfurta Bypass, ee ismaamulka Nairobi.
Maalmihii ugu dambaysay waxaa dalka aad ugu soo badanayay shilalka kuwaas oo badanaa dhacaa xilliyada habeenkii ah iyadoona darawaliinta ay badankooda si xowli ah u kaxeeyaan gaariga si ay uga carraraan inuu ku soo galo xilliga bandowga dalka kaas oo bilowdo ee 10-ka habeenimo.