Ciidamada ammaanka ee Vihiga oo xiray arday waardiye dilay

0
510

Saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Vihiga ayaa xabsiga u taxaabay arday dhigta fasalka saddexaad ee dugsiga sare ee Nyang’ori oo lagu eedeyay inuu dilay waardiyihii xaruntaas.
Waxay wararku sheegayaan in ardaygan uu dhibaateeyay arday kale ka dibna waardiyaha uu isku dayay inuu gacanta ku dhigo taasoo keentay in uu weeraro.
Waardiyaha oo u dhintay dhaawac culus oo ka soo gaaray madaxa ayaa magaciisu lagu sheegay Willy Mukonambi .
Waxaa uu geeriyooday xilli lagu dabiibayay isbitaalka Jaramogi Oginga Odinga .
Eedeysanaha ayaa hadda ku jiro xabsiga iyadoo ciidamadu ay wadaan baaritaano dheeraad ah si loogu soo oogo dacwad ku saabsan inuu dil gaystay.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii arday kale uu isagoo adeegsanaya mindi labo macallin ku weeraray ismaamulka Kisii.