Garsoorka oo soo bandhigaya gawaari maxkamadeed oo guura ah si loogu fududeeyo helitaanka cadaaladda meelaha fog

0
117

Guddiga Garsoorka dalka ayaa qorsheynaya inuu soo bandhigo gawaarida maxkamadeed ee guuraga ah si adeegyada garsoorka loogu soo dhoweeyo dadka, gaar ahaan bulshada ku nool meelaha aan laga helin adeegyo ku filan iyo deegaanada fogfog.
Mashruucan ayaa qayb ka ah dib u habeynta socda ee lagu horumarinayo helitaanka caddaaladda, waxaana gawaarida si gaar ah loogu qalabeyn doonaa sidii qolal maxkamadeed oo dhameystiran oo awood u leh qabashada dhageysiyada, diiwaangelinta dacwadaha, iyo adeegyada kale ee maxkamadda.
Xafiiska garsoorka ayaa soo bandhigay fursad ay ku tartamaan shirkadaha u qalma ee bixin kara gawaarida iyo qalabka isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada sida kombiyuutarada, projector-ka, qalabka shabakadaha, iyo qalabka codka, kuwaas oo dhammaantood lagu rakibi doono gawaarida. Qandaraasyada guuleysta ayaa la siin doonaa muddo laba sano ah.
Gawaaridan maxkamadeed ayaa lagu talagalay inay ka shaqeeyaan meelaha dadka ay u baahan yihiin inay safar dheer ku tagaan maxkamadda ugu dhow, iyagoo leh qolal maxkamadeed, isku xirnaanta internet-ka, nidaamyada duubista, iyo meel loogu talagalay garsoorayaasha, xisaabiyeyaasha, qareennada, iyo dacwad oogayaasha. Mashruucan ayaa qayb ka ah barnaamijka “Isbeddelka Bulshada iyada oo loo Marayo Helitaanka Caddaaladda” ee ay hoggaaminayso madaxa caddaaladda dalka Martha Koome, kaasoo ujeedkiisu yahay in adeegyada sharciga ay gaaraan bulshada ku nool meelaha fogfog, la yareeyo culeyska dhaqaale ee muwaadiniinta, isla markaana caddaaladda lagu gaarsiiyo barta adeegga halkii laga sugilahaa maxkamadaha caadiga ah.