Safaaradda Iiraan ee magaalada Nairobi ayaa si adag u cambaaraysay Xoghayaha Joogtada ah ee Arrimaha Dibadda, Korir Sing’Oei, ka dib mowqifka Xukuumadda Nairobi ee ku saabsan xiisadaha sii kordhaya ee Gacanka Faaris, iyadoo lagu eedeeyay inuu iska indhatiray mabaadi’da muhiimka ah ee sharciga caalamiga ah.
Isdhaafsigan diblomaasiyadeed ayaa yimid ka dib markii Sing’Oei uu bartiisa X ku daabacay warbixin, ka dib wicitaan uu la yeeshay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Cabdulla Balalaa. Sing’Oei ayaa muujiyay taageerada Kenya ee dalalka Khaliijka, isagoo cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay “weeraro aan la xaqiijin” oo ay fuliyeen Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ee Iiraan (IRGC) kuwaasoo ka dhan ahaa kaabayaasha muhiimka ah ee dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka ee (GCC), isaga oo ka digay khataraha ay ku yeelan karto amniga dhaqaalaha iyo deegaanka caalamka.
Safaaradda Iiraan ee Nairobi ayaa ka jawaabtay iyadoo sheegtay in mowqifka Kenya uu iska indhatiray waxa ay u aragto “sababaha asaasiga ah” ee xiisadda. Waxaa ay ku eedeysay Maraykanka iyo Israa’iil inay bilaabeen gardarro ka dhan ah Iiraan, iyagoo soo xiganaya qodobbada Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay 3314, waxaa ayna tilmaantay in dalalka martigeliya saldhigyada militari ee shisheeye ay mas’uul ka noqon karaan haddii saldhigyadan loo adeegsado weerarro.
Safaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in falalka militari ee Iiraan ay yihiin kuwo sharci ah, kana dhashay xaqa is difaaca, isla markaana ay bartilmaameedsadeen kaliya hantida militari. Waxaa ay ku eedaysay ciidamada ka soo horjeeda inay khatar gelinayaan rayidka iyagoo ka howlgala goobaha rayidka. Dhanka Marin biyoodka Hormuz, Iiraan ayaa sheegtay in marin biyoodkan uu furnaan jiray ka hor xiisadda hadda jirta, isla markaana xayiraadaha ay soo rogtay ay yihiin tallaabooyin lagu xaqiijinayo badqabka maraakiibta, iyadoo u oggolaanaysa dalalka aan dagaal ku jirin inay maraan, halka kuwa ay u aragto cadow inay xaddidayso gelitaankooda.
Home Wararka Kenya Safaaradda Iiraan ee Nairobi oo cambaaraysay hadalladii Korir Sing’oei ee xiisadda Bariga...




