Madaxweynaha dalka oo amaanay siyaasiyiinta Waqooyi Bari

0
499

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ay dhiirrigelinaysa sida ay hoggaamiyaasha gobolka Waqooyi Bari uga go’an tahay in ay ka wada shaqeeyaan horumarka gobolkooda iyagoo aan tixgelinayn garabyada siyaasadeed ee ay ka tirsan yihiin.
Waxaa uu madaxweynaha xusay in ay dhaqan gelinayaan barnaamijyo wax ka qabanaya arrimaha dhaqan-dhaqaale ee gobolka.
Ruto ayaa sheegay in barnaamijyadan lagula tacaalaya caqabadaha dhanka horumarka ee Waqooyi Bari si looga faa’iidaysto awoodda dhaqaale.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dareenkan muujiyay ka dib markii uu xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi uu kulan kula yeeshay madaxda ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera.
Wuxuu qoraalkiisa ku tilmaamay in ay isku afgarteen dardargelinta dhaqangelinta barnaamijyada iyo kaabayaasha sida waddooyinka , biyaha , waxbarashada, caafimaadka , beeraha iyo wanaajinta nabad galyada gobolka.