Taliyaha guud ee booliiska ee magacaaban oo maanta la turxaan bixin doono

0
391

Waxaa uu qorshuhu yahay in maanta la turxaan bixiyo Mr. Douglas Kanja Kirocho oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay taliyaha guud ee ciidanka booliiska waddanka.
Tani ayaa timid ka dib markii uu bishii hore is casilay Japhet Koome oo xilkan hayay.
Waxaa Kanja su’aallo waydiin doono xubnaha guddiga baarlamaanka dalka iyo aqalka sare u qaabilsan maamulka , amniga gudaha, difaaca iyo arrimaha dibadda.
Waxaa kal-fadhigan si wadajir ah u guddoomin doono xildhibaanka Galbeedka ismaamulka Narok Gabriel Tongoyo iyo senatarka dowlad deegaanka Baringo William Cheptumo .