Charles Owino oo sheegay in dambi baarayaasha ay shaqeyn karaan iyagoo aan la aqoonsan

0
412

Afhayeenkii hore ee ciidamada booliiska dalka ahna guddoomiyaha golaha machadka warbaahineed ee KIMC Charles Owino ayaa ka falceliyay go’aan shalay ka soo baxay maxkamadda.
Maxkamadda sare ee dalka ayaa ciidamada ammaanka ku amartay in aynan wajiyada qarsan , ay xirtaan darees lagu aqoonsan karo sidoo kalena ay adeegsadaan baabuur taargo leh marka ay ka falcelinayaan dibadbaxyada.
Hasa ahaate, Charles Owino oo u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa hoosta ka xarriiqay in ciidamada waaxda dambi baarista ee DCI-da aynan shaqeyn karin iyagoo darees ku labisan.
Waxaa uu sheegay in tani ay noqonaysa mid baal marsan habraacyada shaqo.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in saraakiisha ay adeegsadaan baabuur aan taargo lahayn si iyagoo aan la aqoonsan ay u ogaadaan dad uu ku sheegay dambiilayaal ka faa’iidaysta dibadbaxyada si ay rabshado u kiciyaan.