Hoggaamiyaasha warbaahinta oo doonaya in la maxkamadeeyo booliis ku xadgudbay suxufiyiin

0
333

Hoggaanka waaxda warbaahinta ee dalka ayaa cambaareeyay bartilmaameedsi ay Khamiistii la soo dhaafay qaar ka mid ah saraakiisha ammaanka ay u gaysteen suxufiyiin ku guda jiray howlahooda shaqo xilli ay dhacayeen dibadbaxyo ka dhan ah dowladda.
Madaxa fulinta ee golaha warbaahinta dalka ee MCK ,David Omwoyo ayaa sheegay in la diiwaangeliyay dhacdooyin gaaraya 24 oo ah wariyaal la dhibaateeyay 8-dii bishan Sideedaad.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamullada kala duwan ay uruurinayaan caddeymo dheeraad ah si dacwad loogu soo oogo saraakiisha booliiska ee la aqoonsado iyagoo tacaddigan sameynaya.
Omwoyo ayaa sheegay in uu hoos u dhacay xiriirka ka dhexeeya warbaahinta iyo dowladda.
Waxaa uu maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee (IPOA) xafiiska agaasinka dacwad oogidda ee (ODPP) iyo taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka uu ku boorriyay in ay dardargeliyaan baaritaannada socdo si tallaabo sharciyeed looga qaado saraakiisha ka tallaabsaday xaddidaadda dastuuriga ah.
David Omwoyo ayaa arrintan ka sheegay shir daneeyayaasha arrimaha saxaafadda ee dalka loogu qabtay magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Waxaa uu xusay in loo baahan yahay in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya warbaahinta iyo dowladda si loo hubiyo badqabka suxufiyiinta oo ay cadaalad u helaan kuwa dhawaan la dhibaateeyay ee warbixinnada gudbiyay.
Paul Ilado oo ka mid ah madaxda shirkadda warbaahineed ee Radio Africa Group ayaa dhankiisa sheegay in muuqaallo laga duubay wariyaal loo gaysanaya jirdil.
Waxaa uu tilmaamay in falalkaasi ay muujiyeen ku xadgudubka xurriyadda saxaafadda.
Ilado ayaa sheegay in ay iska caddahay in loo baahan yahay xallinta dhibaatadan.
Guddoomiyaha guddiga tabashooyinka warbaahineed ee dhawaan la dhaariyay Demas Kiprono, ayaa dhankiisa sheegay in ay qasab tahay in la aqoonsado oo aan la dhibaateyn wariyaasha gudanaya waajibaadkooda shaqo.
Kiprono ayaa xusay in xurriyadda warbaahinta ay qeexaysa farqada 34-aad ee dastuurka Kenya sidaasi awgeedna ay tahay in madax bannaanideeda la ilaaliyo.
Madaxa ururka tifaftirayaasha warbaahinta dalka ee KEG ,Zubeidah Kananu ayaa dhankeeda sheegtay in aynan marnaba ka gaabin doonin u ololeynta sidii lagu soo afjari lahaa weerarrada iyo hanjabaadaha ka dhanka ah suxufiyiinta.
Waxay sheegtay in ay rajeynayaan in tallaabo xeerarka qaranka waafaqsan laga qaado cid kasta oo wariye ku xadgudubto iyadoo dhanka kale suxufiyiinta ku boorrisay in ay u hoggaansamaan anshaxa laga doonaya.
Afhayeenka booliiska dalka ,Resilla Onyango ayaa dhankeeda difaacday adeegga qaran ee NPS.
Waxay sheegtay in saraakiisha ammaanka xilliyada dibadbaxyada laga gudbiyo waxyaabo aan xaqiiqada ku saleysnayn oo la xiriira sida ay mudaaharaadyada uga falceliyaan iyo xiriirka ay la leeyihiin saxaafadda.
Waxay intaasi ku dartay in xeer hoosaadka adeegga qaran ee booliiska ay ka mid tahay xiriirka kala dhexeeya warbaahinta oo la doonaya in aan la fududeysan.
Resilla Onyango ayaa intaasi ku dartay in saraakiisha booliiska aynan beegsan warbaahinta balse haddii ay dhacdo la doonaya in tani ay baaraan maamulka madaxa bannaan ee IPOA iyo qaybta arrimaha gudaha ee booliiska ee IAU.
Hasa ahaate , afhayeenka booliiska dalka ayaa xaqiijisay in xadgudub kasta oo dhacay la is kula xisaabtamaya.
Waxay sheegtay in aynan jirin cid shariga ka sarreyso sidaasi awgeedna la doonaya in sumcadda dhammaan saraakiisha booliiska aan lagu dhaawicin qaladaadka kuwo faro ku tiris oo ka mid ah.
Waxaa sidoo kale dhibaateynta wariyaasha ee la soo tabiyay Khamiistii cambaareeyay madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay in xuquuqda ay kenyaanka u leeyihiin in ay isku yimaadaan , ay dareenkooda muujiyaan iyo xuquuqda warbaahinta ay aasaas u yihiin dimuqraadiyadda dalka sidaasi awgeedna aan la aqbali karin falalka baal marsan ilaalinta xuquuqdan.