Paul Kagame oo markii afaraad loo dhaariyay xilka madaxtinnimo ee Rwanda

0
482

Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa maanta markii afaraad loo dhaariyay qabashada hoggaanka ugu sarreeya ee waddankaasi.
Tani ayaa timid ka dib markii uu ku soo baxay doorashadii guud ee Rwanda ka dhacday 15-kii bishii hore ee July ee sanadkan.
Kagame oo 66 sano jir ah ayaa la dhaariyay wax yar un ka hor abaare 4-tii galabnimo ee maanta.
Waxaa lagu dhaariyay fagaaraha Amahoro Stadium ee caasimadda Rwanda ee Kigali.
Xafladda dhaarinta ee Paul Kagame waxaa ka qayb galay qaar ka mid ah madaxda dalalka qaaradda Afrika oo ay ka mid yihiin madaxweynaha dalkani Kenya William Ruto iyo dhigiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.