Booliiska Nandi oo baaraya dhacdo uu nin ku dilay xaaskiisa ka dibna isku dilay

0
211

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Nandi ayaa baaritaano ku sameynaya dhacdo uu nin ku dilay xaaskiisa ka hor inta uunan naftiisa ka takhalusin.
Warbixinta booliiska waxaa ku cad in Ivyine Cheptoo uu saygeeda ku weeraray baangad uu qoorta uga jaray.
Meydkeeda ayaa laga dhex helay qolka jiifka ee gurigooda iyadoo aad u dhiig baxday ka hor inta aynan geeriyoon.
Laamaha ammaanka ayaa sheegay in ay halkaasi ka soo heleen baangadii dilka loo adeegsaday.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababtii keentay in Ivyine uu seygeeda dilo.
Saraakiisha waaxda dambi baarista ee ismaamulka Nandi ayaa hadda ku howlan baaritaano dheeraad ah oo falkaasi la xiriira.