Waxaa la xaqiijiyay inay dhinteen 61 qof oo ay sidday diyaarad ka dib markii ay ku burburtay meel ka baxsan magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil.
Shirkadda diyaaradaha ee Brazil ee Voepass ayaa xaqiijisay shilkan diyaaradeed.
Waxay shirkadda intaasi ku dartay in diyaaraddu ay ku burburtay waqooyi bari ee magaalada Sao Paulo.
Mas’uuliyiinta dalka Brazil ayaa laga soo xigtay in dhammaan rakaabkii saarna diyaaradda ay geeriyoodeen.
Madaxweynaha wadanka Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa tacsi u diray qoysaska ay ka baxeen dadka ku geeriyooday shilka diyaaradeed.