Wasiiradda magacaaban ee arrimaha jaaliyadda bariga Afrika oo hantideeda ku sheegtay 100 milyan

0
349

Beatrice Askul oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay wasiiradda wasaaradda arrimaha jaaliyadda bariga Afrika ee EAC-da iyo horumarinta gobollada ayaa qiimaha lacageed ee hantideeda ku sheegtay 100 milyan oo shilin.
Arrintan ayay maanta shaaca ka qaadday xilli ay su’aallo waydiinayeen xubnaha guddiga baarlamaanka ee turxaan bixiyo shakhsiyaadka loo magacaabo qabashada xilalka dowladda.
Askul ayaa hoosta ka xarriiqday in hantidan ay wada leeyihiin iyada , qoyskeeda iyo bulshada xoolo dhaqatada ah ee Turkana ee ay ka soo jeedo.
Waxay sheegtay in hantidan badankeedu ay tahay mid uu ninkeeda ku biiriyay adeegyada baniaadannimo ee ay bulshada ismaamulkaasi u fidiso.
Askul ayaa carrabka ku adkeysay in aynan ka macaashin falalka wax isdaba marinta ee lagu lunsado kheyraadka dadweynaha.
Mar su’aal laga waydiiyay sida ay ula tacaali doonto caqabadaha ka jiro deegaannada oomanaha ee loo yaqaano ASALs ayay sheegtay in loo baahan yahay in bulshadan tabashooyinka ay qabaan qaab wada xaajood ah loogu daro qorshaha wasaaradda.
Sidoo kale waxay sheegtay in deeqaha cuntada ee dadkan la siiyo xilliyada abaarta uunan ahayn xal waari kara.
Beatrice Askul ayaa horay u soo noqotay wasiiraddii arrimaha biyaha , waraabka iyo beeraha ee ismaamulka Turkana.
Waxay muddo dheer xulafo ahaayeen madaxa isbeheysiga mucaaradka ee dalka Raila Odinga oo ay ka qayb qaadatay olilihiisi doorasho ee sanadkii 2022-kii.
Waxay soo qabatay xilal kale sida sarkaalka mashaariicda ee hay’adda AMREF Kenya ee ismaamulka Turkana.
Waxay haysataa shahaadada heerka Degree ee culuunta bulshada iyadoo hadda wado heerka Masters ee maamulka iyo anshaxa.