Xisbiga ODM ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar la faafiyay oo sheegaya in ay suurtagal tahay in senatarka ismaamulka Siaya James Orengo laga xayuubiyo xilka hoggaamiyaha siyaasiyiinta mucaaradka ee aqalka sare.
Bayaan uu galinkii dambe ee shalay soo saaray Dennis Onyango oo ah afhayeenka madaxa ODM Raila Odinga ayaa lagu xusay in xilka qaadista Orengo ee la sheegay ay been abuur tahay.
Dhawaan ayay ahayd markii xildhibaanka deegaanka Rarieda ee ismaamulka Siaya Otiende Amollo laga saaray guddiga arrimaha sharciga iyo cadaaladda ee baarlamaanka oo uu guddoomiye ku xigeen ka ahaa.
Mr. Onyango ayaa sheegay in isbeddelka dhacay ay ka dhalatay hadal hayn ah inuu jiro qorsho ka dhan ah Orengo balse aysan xaqiiq ahayn.
Waxaa uu mas’uulkan caddeeyay in Raila Odinga ama xisbiga ODM aynan doonayn in qof kale lagu beddelo madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee aqalka senate-ka.