Baarlamaanka Bangladesh oo la jebiyay

0
404

Waxaa la kala diray xubnaha baarlamaanka dalka Bangladesh hal maalin un ka dib markii ay is casishay Ra’iisul Wasaarihii waddankaasi Sheikh Hasina.
Hasina ayaa dalkaasi iskaga baxday ka dib toddobaadyo ay socdeen mudaaharaadyo looga soo horjeeday xukuumadeeda gaar ahaan hannaanka shaqaaleysiinta.
Sidoo kale , waxaa uu qorshuhu yahay in dadka soo qaban qaabiyay dibadbaxyada ardayda ay hor kacayaan ee ka dhacay Bangladesh ay la kulmaan saraakiisha difaaca.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo militariga dalkaasi uu ku dhawaaqay maamul dowladeed oo ku meel gaar ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dibadbaxayaasha ay ku adkeysanayaan in aynan oggolaan doonin dowlad militari.
Waxay ku talinayaan in dowladda ku meel gaarka ah uu hoggaamiyo Maxamad Yunus oo horay ugu guulaystay billadda nabadda ee Nobel Peace Prize.
Dhanka kale , afhayeen u hadlay xisbiga Ra’iisul Wasaarihii hore ee Bangladesh Khaleda Zia ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in haweeneydan oo mucaaradka hoggaamiso laga siidaayay xabsi guri ay sanado ku jirtay.