Wasiirka magacaaban ee beeraha oo hantidiisa ku sheegay 214 milyan

0
352

Guddiga baarlamaanka u qaabilsan turxaan bixinta shakhsiyaadka loo soo magacaabo xilalka dowladda ayaa maanta su’aallo waydiiyay Andrew Karanja oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay wasiirka beeraha iyo xannaanada xoolaha.
Waxaa uu qiimaha lacageed ee hantidiisa ku sheegay 214 milyan oo shilin.
Sidoo kale waxaa uu beeniyay in ay saaxiibbo yihiin ama uu gacan yare khaas ah u ahaa wasiirkii hore ee beeraha Mithika Linturi.
Wuxuu ballan qaaday in haddii magacaabidiisa la ansixiyo uu si wayn ula dagaallami doono musuqmaasuqa ka dhex jiro wasaaradda beeraha ee dalka.
Karanja ayaa sheegay inuu cirib tiri doono shakhsiyaadka dallaaliinta ah ee ka faa’iidaysta wax soo saarka beeralayda qaranka.