Kindiki oo qiimaha hantidiisa ku sheegay 694 milyan

0
354

Prof. Kithure Kindiki oo uu madaxweynaha dalka William Ruto markii labaad u soo magacaabay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa saaka hor tagay guddiga baarlamaanka u qaabilsan turxaan bixinta shakhsiyaadka loo magacaabo xilalka dowladda.
Waxaa uu qiimaha lacageed ee hantidiisa ku sheegay 694 milyan oo shilin.
Markii ugu horreysay ee xilkan loo turxaan bixinayay bishii Tobnaad ee sanadkii 2022-kii ayuu sheegay in hantidiisu ay tahay 544 milyan.
Kindiki ayaa xusay in dhaqaalahan uu ku saleysan yahay ganacsiyo dhowr ah iyo dakhliga ka soo galo shirkadiisa bixisa adeegyada sharciga.
Waxaa uu cadeeyay in uunan ka macaashin ganacsi aan habboonayn sidoo kalena uunan wax ganacsi ah la sameyn dowladda.
Prof. Kindiki ayaa kororka ku yimid hantidiisa u aaneeyay ganacsiyo yaryar oo uu sameeyay iyo inuu helay lacago ka maqnaa oo ku saabsan bixinta adeegyada sharciga.
Kindiki ayaa difaacay waxqabadkiisa muddo 21 bilood ah oo uu hoggaaminayay wasaaradda arrimaha gudaha ee dib loogu magacaabay.
Waxaa su’aallo laga waydiiyay gaabadka dhanka amniga ee jira, sida ay laamaha ammaanka awoodooda u isticmaaleen iyo dilalka sharci darrada ah ee la gaystay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in caqabadihii dhanka ammaanka sida weerarradii ka dhici jiray Waqooyi Bari iyo ismaamulka Lamu ee gobolka Xeebta iyo falalkii burcadnimo ee Rift Valley ay aad hoos ugu dhaceen.
Xildhibaan Junet Maxamad ayaa Prof. Kithure Kindiki waydiiyay sababtii keentay in saraakiisha ammaanka ay awoodo xad dhaaf ah u adeegsadeen dibadbaxayaasha.
Waxaa uu wasiirka magacaaban tilmaamay in howlwadeennada adeegga qaran ee booliiska ee NPS ay sameeyeen inta karaankooda ah taasi oo keentay in dib loo soo celiyo nidaamkii kala dambeynta.
Waxaa uu intaasi ku daray in maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee IPOA uu hadda baaraya saraakiisha lagu eedeyay in ay xadgudub gaysteen si loola xisaabtamo.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in afduubka iyo dilalka sharci darrada ah aynan waafaqsanayn xeerarka caalamiga sidaasi awgeedna cid kasta oo ku kacda lagula xisaabtamaya.
Sidoo kale , waxaa uu difaacay tallaabada ay dowladdu qaar ka mid ah ciidamada booliiska ee dalka ay ku gaysay waddanka Haiti isagoo sheegay in tani ay tahay waajib caalami ah oo aan waxba u dhimin ammaanka gudaha Kenya.
Mar uu faahfaahinayay aqoontiisa iyo khibradiisa shaqo ayuu Kindiki sheegay inuu bartay culuunta sharciga ilaa heerka PhD gaar ahaan xeerarka caalamiga oo uu ka qaatay jaamacadda Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.
Waxaa uu xusay inuu leeyahay waaya aragnimo ah ugu yaraan 25 sano oo 24 ka mid ah uu qareen ahaan uga howlgalayay maxkamadda sare ee dalka.
Kindiki ayaa intaasi ku daray inuu ka mid yahay qareennada difaaca eedeysanayaasha la geeyo maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da.
Sidoo kale waxaa uu xusay inuu sanado badan la taliyaha dhanka sharciga u ahaa hay’adaha qaramada midoobay iyo urur goboleedyada sida IGAD, EAC, AU-da iyo COMESA.
Kithure Kindiki oo su’aal laga waydiiyay caqabadaha ay wajahayaan saraakiisha booliiska iyo ciidamada waaxda asluubta ee dalka ayaa ku jawaabay in guddigii arrimahan loo saaray ee uu hoggaaminayay madaxii hore ee waaxda cadaaladda dalka David Maraga uu soo jeediyay 121 talooyin ah oo u baahan tallaabooyin dhanka maamulka ah iyo 178 dheeraad ah oo u baahan maalgelin.
Sidoo kale, guddigaasi ayaa soo bandhigay 177 talooyin ah oo sida uu Kindiki xusay ay dhici karto in aan loo baahnayn in la maalgeliyo balse ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo isbeddello dhanka xeerarka ah.
Wasiirka ayaa sheegay in ay ku tallaaba qaadeen qaar ka mid ah talooyinkii lala wadaagay.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in uu daahfuray barnaamij lagu casriyeynaya qalabka ay adeegsadaan ciidamada booliiska oo qaadan doono muddo shan sano ah.
Kindiki ayaa xusay in wasaaradda maaliyadda ay ka heleen 7 bilyan oo shilin oo lagu soo iibiyay agab casri ah oo ay ciidamada booliiska u adeegsan karaan ka falcelinta khatarrada amniga ee dhanka dhulka iyo hawada sare.
Waxaa uu sheegay in dhacdadii ugu darnayd ee soo martay taariikhda amniga ee dalka ay tahay meydadkii laga helay keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi.
Kindiki ayaa sheegay in ay qasab tahay in lala xisaabtamo shaqaalaha dowladda oo ay ka mid yihiin saraakiisha ammaanka ee aaggaasi .
Wasiir Kindiki ayaa ballan qaaday in haddii baarlamaanka uu ansixiyo magacaabidiisa inuu caddeyn doono meelaha gaarka ah ee ay kenyaanka ka sameyn karaan dibadbaxyada oo ay cabashooyinkooda ku gudbin karaan.