Madaxii Xamaas oo weerar lagu dilay

0
248

Ururka Xamaas ee dalka Falastiin ayaa sheegay in weerar ay Israa’iil gaysatay looga dilay hoggaamiyahoodii siyaasadeed Ismaaciil Haniyeh.
Weerarka ayaa lala eegtay hooyga mas’uulkan oo ku yaalla magaalada Tehran ee dalka Iiraan.
Dhanka kale, wasaaradda caafimaadka ee dalka Lebonan ayaa sheegtay in saddex qof oo ay ka mid yihiin labo carruur ah lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay Koonfurta magaalada Beirut.
Waxaa duullaankaasi lagu dhaawacay 74 ruux oo kale.