Raila oo ku baaqay in la sameeyo dib u eegis dastuuri ah

0
384

Hoggaamiyaha garabka mucaaradka ee dalka Raila Odinga ayaa sheegay in maadaama laga soo gudbay ugu yaraan hal bil oo ay socdeen mudaaharaadyo ka dhan ahaa dowladda in loo baahan yahay dib u eegis dastuuri ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Kenyaanka ay hadda si wayn ugu baahan yihiin midnimo qaran marka loo barbardhigo xilliyadii hore.
Sidoo kale , Raila ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dadweynaha laga qayb geliyo wada xaajoodyo qaran oo lagula tacaalaya dhibaatooyinka jira.
Waxaa uu dhanka kale cadeeyay in xisbiga uu hoggaamiyo ee ODM uu weli ka tirsan yahay mucaaradka Azimio oo uunan heshiis la gelin dowladda.