Waxaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan 10 qof ay ku dhaawacmeen iska hor imaad ka dhacay kaniisad ku taalla deegaan baarlamaaneedka Koonfurta Mugirango ee ismaamulka Kisii.
Iska hor imaadkan oo uu dhexmaray labo kooxood ayaa ku murmay sheegashada lahaanshaha xaruntaasi kaniisadda ah.
Laamaha ammaanka ayaa haatan baaraya dhacdadan.
Qaar ka mid ah dadkii waxyeellada soo gaartay ayaa warbaahinta uga warramay sida ay wax u dhaceen.