Gachagua oo sheegay in magacaabista golaha wasiirrada cusub ay guul u tahay dalka

0
451

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rĩgathi Gachagua ayaa sheegay in magacaabista golaha wasiirrada cusub ay guul u tahay qaranka.
Waxaa uu bogaadiyay tallaabada uu madaxweynaha dalka ku soo magacaabay golaha wasiirrada cusub.
Gachagua ayaa xusay inuu aaminsan yahay in wasiirrada cusub ay ka soo bixi doonaan shaqada loo igmaday.
Waxaa uu sheegay in aysan jirin cid guul dareysatay, islamarkaana uu ku faraxsan yahay go’aanka uu madaxweynaha dalka ku soo magacaabay maamul loo dhan yahay.
Gachagua ayaa dhanka kale shacabka ku boorriyay in ay midnimada ku dadaalaan.
Waxaa uu ugu baaqay hoggaamiyaasha siyaasadeed inay tixgeliyaan Kenyaanka marka ay la hadlayaan.
Hadalkan ayuu hoggaamiyaha labaad ee wadanka ka jeediyay ismaamulka Laikipia.
Waxaa uu halkaasi uga qayb galay aaska Susan Kiiru Wanjohi, oo ahayd hooyada xoghayaha golaha wasiirrada dalka Mercy Wanjau.