In ka badan 30 qof oo lagu dilay Qaza

0
328

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay weerarrada Israa’iil lagu dilay ugu yaraan 30 qof.
Waxaa saacadahan gudahooda la dhaawacay 146 ruux oo kale.
Dhibbanayaal dhowr ah ayaa weli ku hoos xanniban burburka iyo waddooyinka .
Waaxda difaaca rayidka Qaza ayaa sheegtay in baabuurta gurmadka degdegga iyo kooxaha samatabixinta aynan u suurtagelin in ay u adeegaan dadkan.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, ugu yaraan 39,175 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha ay weli Israa’iil ka wado Qaza halka la dhaawacay 90,403 kale.