Booliiska iyo saraakiisha asluubta oo bishan mushaarka loo kordhin doono

0
377

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay in ay oofiso ballanqaadkii ahaa in laga billaabo bishan Toddobaad mushaarka ay qaataan loo kordhin doono ciidamada booliiska iyo saraakiisha waaxda asluubta.
Arrintan ayuu sheegay xilli Patrick Mwiti Arandu loo dhaarinayay guddoomiyaha guud ee waaxda asluubta .
Mushaar kordhinta loo sameynaya ciidamada ayaa ku saleysan soo jeedin ka timid guddi uu hoggaaminayay madaxii hore ee waaxda cadaaladda dalka David Maraga oo dabagal ku sameynayay baahiyaha dhanka shaqada ee waaxyahan.
William Ruto ayaa cadeeyay inuu ka dhabeyn doono ballanqaadkii uu sameeyay sanadkii hore.
Waxaa uu sidoo kale ballan qaaday inuu la shaqeyn doono Arandu si isbeddello ballaaran loogu sameeyo waaxda ciidamada asluubta ee dalka oo meesha looga saaro caqabadaha jira.
Patrick Mwiti Arandu ayaa beddelaya John Wariobah oo fasax aadaya maadaama uu dhamaad yahay muddo xileedkiisa.
Waxaa uu guddoomiyaha cusub sheegay in 100-ka maalmood ee ugu horreysa ee uu xafiiska joogo uu ku dadaali doono casriyeynta waaxdan.