Maxkamadda sare oo diiday in laga doodo xil ka qaadista barasaabka Meru

0
368

Maxkamadda sare ee ismaamulka Meru ayaa soo saartay go’aan wakiillada golaha hoose ee dowlad deegaankaasi looga hor istaagaya in ay ka doodaan mooshin xilka looga xayuubinaya barasaabka ismaamulkaasi Kawira Mwangaza.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in dooddan ay maanta qabsoonto.
Hasa ahaate, garsoore Linus Kassan ayaa sheegay in mooshinkaasi aan la eegi karin ilaa inta go’aan maxkamadeed laga soo saaraya dacwad ay gudbisay guddoomiyaha.
Xaakinka ayaa intaasi ku daray inuu Isniinta soo socoto ee 29-ka bishan Toddobaad dhammaan dhinacyada kala duwan qaab email ah uu kula wadaagin doono go’aanka ka soo baxo maxkamadda.
Kawira ayaa dacwaddan uga soo horjeedda geeddisocodka xil ka qaadisteeda.
Waxay ku doodaysa in mooshinkan uu qalad yahay oo ay riixayaan shakhsiyaad ay siyaasad ahaan isku hayaan.
Wakiillada ayaa barasaabka Meru ku eedeynaya in ay sameysay xadgudubyo waawayn oo ka dhan ah dastuurka , xeerarka dowladda sare iyo kuwa ismaamullada iyo in ay awoodeeda xafiiseed u adeegsatay si qaldan.
Ma aha markii ugu horreysay ee ay wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Meru isku dayayaan in ay xilka ka qaadaan barasaabka dowlad deegaankaasi Kawira Mwangaza.