Booliiska oo baaraya in dambiilayaal ay Talaadadii ku milmeen dibadbaxayaasha

0
277

Adeegga qaran ee booliiska ee (NPS) ayaa ballan qaaday in baaritaano qoto dheer lagu sameyn doono in dibadbaxyadii dhacay Talaadadii ay qayb ka ahaayeen shakhsiyaad gaystay falal dambiyeedyo .
Sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja ayaa wacad ku maray in maxkamadda la soo taagi doono cid kasta oo gaysatay waxyeello marka baaritaannada la soo gabagabeeyo ka dib.
Tani ayaa timid ka dib markii rabshadooyin laga soo tabiyay bartamaha magaalada Nairobi , xaafadda Pipeline ee caasimadda dalka , deegaanka Roysambu iyo magaalada Kakamega .
Douglas Kanja ayaa sheegay in baaritaannada horudhaca ah ay muujinayaan in ay jiraan shakhsiyaad dibadbaxyada ka dhacaya qaybaha waddanka uga faa’iidaysanaya burburin hantiyadeed.
Waxaa uu dadweynaha u xaqiijiyay in baaritaannada la dardargelin doono si tallaabo sharciyeed loo qaado.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu sheegay in aynan sii socon karin dibadbaxyada rabshadeysan.