Xoghayaha Guud ee xisbiga mucaaradka ee ODM ahna senatarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ka xisbi ahaan aynan doonayn in ay isbeheysi la sameeyaan maamulka talada waddanka haya ee Kenya Kwanza.
Waxaa uu xusay in aynan jirin wada xaajoodyo ODM kala dhexeeya dowladda oo lagu soo dhisaya maamul lagu mideysan yahay .
Sifuna ayaa qoraalka ku sheegay in ay dhallinyarada ku garab taagan yihiin isbeddellada ay ka dalbanayaan maamulka madaxweyne William Ruto.
Waxaa uu mar kale xusay in ay weli ku adkeysanayaan in dowladdu ay ka soo baxdo shuruudihii uu maalmo ka hor soo saaray madaxa xisbigan Raila Odinga ka hor inta aan wax wada hadal qaran ah la billaabin.
Shuruudahan waxaa ka mid ah in ay cadaalad helaan qoysaska dadka lagu dilay dibadbaxyada oo magdhow la siiyo, in laga laabto qorshaha caymiska caafimaadka bulshada ee SHIF oo uu sii jiro NHIF, in la xalliyo tabashooyinka saraakiisha caafimaadka iyo barayaasha JSS iyo kuwo kale.