Ugu yaraan 84 qof oo lagu dilay Qaza 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay

0
348

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Falastiin ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay gudaha Marinka Qaza lagu dilay in ka badan 84 ruux.
Waxaa dhanka kale la dhaawacay 329 ruux oo dheeraad ah ka dib weerarro gaaraya 8 oo la fuliyay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ciidamada militariga ee Israa’iil ay duullaan dhuleed ka wadaan magaalada Koonfureed ee Khan Younis.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , duqeymaha Israa’iil ay weli ka wado Qaza waxaa lagu dilay ugu yaraan 39,090 qof halka la dhaawacay 90,147 kale.