LSK oo dalbanaysa in laga laabto canshuurta waddooyinka ee la kordhiyay

0
86

Ururka ay ku mideysan yihiin qareennada dalka ee (LSK) ayaa walaac ka muujiyay tallaabada ay dowladdu ku kordhisay qiimaha canshuurta lagu dayactiro waddooyinka ee (RML).
Madaxa LSK, Faith Odhiambo ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in tallaabadan ay tahay sharci darro.
Waxay hoosta ka xarriiqday in go’aankan aan si waafaqsan habraaca habboon loogu soo daabicin wargeyska rasmiga ee dowladda sida ku qeexan xeer la soo saaray sanadkii 1993.
Waxay intaasi ku dartay in isbeddel lagu sameeyay xeerka canshuurta maareynta waddooyinka ee sanadkii 2016-kii aan baarlamaanka loo bandhigin.
Faith Odhiambo ayaa xustay in sidoo kale daahfurnaan la’aan laga dheehan karo kordhinta canshuurtan.
14-kii bishan ayay ahayd markii maamulka qaabilsan maareynta adeegyada tamarta iyo batroolka ee dalka ee (EPRA) uu shaaciyay in qiimaha canshuurtan oo horay halkii liitar ee shidaalka lagu jaangooyay 18 shilin in laga dhigay 25 shilin.
LSK ayaa hoosta ka xarriiqday in aan la tixgelin hadal uu 8-dii bishan Toddobaad jeediyay wasiirkii hore ee wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Kipchumba Murkomen oo kenyaanka u xaqiijiyay in aan la kordhin doonin qiimaha canshuurta dayactirka waddooyinka ee RML.
Madaxa ururka qareennada ee dalka ayaa Murkomen ku dhaliishay in uunan tixgelin falcelintii kenyaanka xilli la sameynayay wada tashiyo arrinkan ku aaddan.
LSK ayaa dowladda ka dalbatay in ay si degdeg ah uga laabato qiimaha canshuurta waddooyinka ee ay kordhisay haddii kale in ururkan uu qaadaya tallaabooyinka habboon ee dhanka sharciga.