Ururrada u ololeeya arrimaha bulshada ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ka dalbanaya inuu raalligelin ka bixiyo xadgudubyadii ay ciidamada booliiska u gaysteen dibadbaxayaasha.
Shir ay ku qabteen magaalada Nairobi ayay sidoo kale ka sheegeen in loo baahan yahay in dowladda ay magdhow siiso shakhsiyaadka ay waxyeelladu soo gaartay.
Waxaa arrintan ka hadlay aasaasaha ahna agaasimaha fulinta ee isku xirka arrimaha nabadda ee gobolka (IRPN)Fredrick Ogweno .