Eedeysanayaal uu ka mid yahay nadiifiye leh 7 shirkadood oo maxkamadda la soo taagay

0
380

Waxaa maxkamadda la soo taagay 6 eedeysanayaal oo horay uga shaqeynayay wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran gaar ahaan waaxda asluubta ee dalka.
Shakhsiyaadkan ayaa loo haystaa fadeexad lagu lunsaday 450 milyan oo shilin taasi oo loo maray qandaraas.
Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay in fadeexaddan ay dhacday intii u dhexeysay sanadihii 2016 iyo 2018-kii.
Eedeysanaha ugu muhiimsan ee dacwaddan ayaa lagu magacaaba Eric Kipkirui Mutai oo ka mid ah howlwadeennada nadaafadda ee waaxda asluubta.
Mutai iyo tuhmanayaasha kale ayaa maanta la hor geeyay maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ka dib markii su’aallo lagu waydiiyay xarunta dhexe ee guddiga EACC.
Mutai ayaa leh ilaa 7 shirkadood oo ay EACC sheegtay in lagu wareejiyay 257 milyan oo shilin oo ka mid ah lacagta la lunsaday maadaama aan la qaybin badeecooyinkii qandaraaska lagu qaatay.
Eedeysanayaasha ayaa wajahaya ilaa 58 dacwadood oo ay u akhrisay garsoore sare Celesa Okore.
Shalay ayay ahayd markii guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC uu xiray 6-da qof oo ka mid ah 13 tuhmanayaal oo fadeexaddan lala xiriirinaya.
Shakhsiyaadka kale ee la raadinaya waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenkii hore ee waaxda asluubta dalka Benjamin Njoga.