Ugu yaraan 15 qof oo lagu dilay Qaza

0
157

In ka badan 15 qof ayaa lagu dilay duqeymo ay ciidamada militariga ee Israa’iil ka gaysteen Qaza.
Ugu yaraan labo qof oo dadkan ka mid ah ayaa ku geeriyooday weerar lala eegtay dugsi ay maamusho hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA.
Xaruntan ayaa ah midii Sagaalaad ee ay militariga Israa’iil duqeeyeen maalmihii ugu dambeeyay.
Ugu yaraan 5 ruux oo kale ayaa lagu dilay guri ku yaalla xerada qaxootiga ee Bureij ee Bartamaha Marinka Qaza.
Waxaa xigay weerar kale oo lala eegtay xerada qaxootiga ee halkaasi u dhow ee Nuseirat oo lagu dilay ilaa 8 qof oo kale.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, duqeymaha Israa’iil ee Qaza waxaa ku nafwaayay in ka badan 38,848 qof iyadoo la dhaawacay 89,459 kale.