Qaar ka mid ah wakiillada deegaannada hoose ee ismaamulka Kitui ee ka tirsan xisbiga Wiper ayaa madaxa xisbigan Kalonzo Musyoka ugu baaqay inuunan ka sii mid ahaan isbeheysiga mucaaradka ee Azimio.
Wakiilladan oo uu hor kacaya madaxa aqlabiyadda ee golaha hoose ee Kitui Munyoki Mwinzi ayaa tilmaamay in Kalonzo laga doonaya inuu dhinac uga istaago siyaasadda Raila Odinga.
Waxay cambaareeyeen fal dhawaan lagu carqaladeeyay shirkii Azimio xilli uu Musyoka warbaahinta la hadlayay taasi oo uu Raila Odinga raalligelin ka bixiyay.
Sidoo kale waxay sheegeen in aan xilligan loo baahnayn in lagu mashquulo wada hadallo siyaasadeed.