Safaaradda dowladda Maraykanka ee magaalada Nairobi ayaa walaac ka muujisay warbixinnada ku saabsan in intii ay socdeen dibadbaxyada ay ciidamada booliiska gaysteen toogashooyin iyo afduubyo.
Bayaanka safaaradda waxaa ku xusan in ay ka qoomamoonayaan dilalka dhacay iyo hantida la burburiyay.
Maraykanka ayaa ku baaqay in dhinacyada kala duwan ay nabad galyada ku dadaalaan oo ay u hoggaansamaan nidaamka kala dambeynta ee dhanka maamulka.
Sidoo kale , safaaradda Maraykanka ee Kenya ayaa ciidamada booliiska ku boorrisay in ay si wayn isku xakameeyaan oo ay tixgeliyaan xaqa dastuuriga ee ay shacabka u leeyihiin inay sameeyaan dibadbax nabad ah.
Dowladda ayaa dhanka kale lagula taliyay in ay sameyso hor u socod ku saabsan la dagaallanka musuqmaasuqa , xaqiijinta isla xisaabtanka si loo xoojiyo midnimada qaran iyo dib u heshiisiinta.