DHAGEYSO:Dowladda oo sheegtay in qaranka uu lumiyay 6 bilyan intii ay dibadbaxyada socdeen

0
321

Afhayeenka dowladda dhexe , Isaac Mwaura oo maanta shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in Kenya ay mudaaharaadyada socdo awgood lumisay 6 bilyan oo shilin.
Waxaa uu xogtan ka soo xigtay maamulka canshuuraha waddanka ee KRA.
Mwaura ayaa hoosta ka xarriiqay in haddii dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda ay sii socdaan in saameyn aan wanaagsanayn ay soo gaareysa dhaqaalaha dalka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay ka qoomameynaysa rabshadihii waddanka ka dhacay tan iyo 18-kii bishii hore.
Afhayeenka dowladda dhexe ayaa xusay in hadda ay dibadbaxyada ka faa’iidaysanayaan shakhsiyaad sida uu hadalka u dhigay doonaya in ay boobaan hantida shacabka oo ay burbur gaystaan isagoo cambaareeyay rabshadaha dhacay.
Waxaa uu dhanka kale , u tacsiyadeeyay qoysaska dadkii lagu dilay mudaaharaadyada.

Isaac Mwaura, afhayeenka dowladda sare ayaa sheegay in madaxweyne William Ruto uu tixgeliyay tabashooyinkii kenyaanka oo uu qaaday tallaabooyin ay ka mid ahayd jebinta golaha wasiirrada sidaasi awgeedna ay codsanayaan in fursad la siiyo wada hadallada uu hoggaamiyaha dalka ku baaqay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in maamulka talada dalka haya ee Kenya Kwanza uu diyaar u yahay in ay shacabka kula xisaabtamaan waxqabadkiisa iyo dhaqangelinta dhammaan waxyaabaha ay kenyaanka dalbanayaan.
Waxaa uu warbaahinta ugu baaqay in si dheellitiran oo aan dhinac loogu eexanayn ay u tabiso dhacdooyinka taagan.
Sidoo kale waxaa uu dadweynaha uga digay in shisheeye uu si qaldan u adeegsado si waddanka loo burburiyo.

Afhayeenka dowladda dhexe , Isaac Mwaura ayaa sheegay in wax khilaaf ah uunan ka dhexeyn dowladda iyo warbaahinta oo ay diyaar u yihiin in wariyaasha ay shaqadooda si madax bannaan u gutaan.
Waxaa uu soo hadal qaaday tallaabadii ay shalay ciidamada ammaanka ku xireen rugcadaa saxaafadeed oo lagu magacaabo Macharia Gaitho oo markii dambe la soo siidaayay.
Mwaura ayaa tilmaamay in sidii ay booliiskaba sheegeen ay tahay arrin dhici karta in labo qof oo isku magac ah la isku qaldo.

Ugu dambeyn,waxaa uu dadweynaha ugu baaqay in ay ciidamada ammaanka iyo waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da fursad u siiyaan in ay soo gabagabeeyaan baaritaannada la xiriira meydadka 10 qof oo haween ah oo laga helay aagga Kware ee ismaamulka Nairobi.
Sidoo kale shacabka ayuu ka codsaday in ay madaxweyne William Ruto fursad u siiyaan dhaqangelinta isbeddellada ay doonayaan.