Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja One Kenya Raila Odinga ayaa raalligelin ka bixiyay rabshado shalay saameeyay shir ay ku qabanayeen magaalada Nairobi.
Bayaan uu soo saaray ayuu nasiib darro ku tilmaamay in khalkhal la geliyay kulankaasi xilli uu warbaahinta la hadlayay madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ahna madaxa xisbiga ODM ayaa dhacdadaasi oo ay dhallinyaro ka dambeeyeen ka raalli geliyay hoggaamiyaasha siyaasadeed iyo wariyaashii goobta ku sugnaa.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhallinyaro isugu jiro kuwo la garanaya iyo kuwo aan la aqoon ay soo weerareen goobtii shirka ee Jaramogi Oginga Odinga Foundation iyagoo halkaasi ka saaray ka soo qayb galayaashii.
Sidoo kale ODM ayaa sheegtay in isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya uu dib u eegis ku sameyn doono xaqiijinta amniga marka ay dhacayaan kulamada siyaasadeed ee muhiimka ah.
Waxaa uu dhanka kale Raila Odinga beeniyay inuu la shaqeynaya William Ruto si loo soo dhiso maamul dowladeed oo lagu mideysan yahay.