In ka badan 4 ka mid ah saraakiisha militariga ee India oo lagu dilay Kashmiir

0
432

Ugu yaraan 4 ka mid ah ciidamada qalabka sida ee India ayaa lagu dilay gobolka Kashmiir.
Tani ayaa timid ka dib markii ay ciidamada iyo kooxo fallaago ah halkaasi ku dagaallameen.
Saraakiisha ayaa weerar jidgal ama gaadmo ah lagula eegtay keymaha degmada Koonfureed ee Doda oo ka tirsan deegaanka Jammu.
Militariga India ayaa arrinkan shaaca uga qaaday bayaan uu soo saaray.
Waxay intaasi ku dareen in saraakiisha difaaca ay howlgallo ka sameynayeen aaggaasi iyagoo adeegsanaya xog sirdoon ka hor inta aynan toogashadu billaaban.
Kooxda Kashmir Tigers ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday ciidamada militariga ee India.
Waxay intaasi ku dartay in is rasaaseynta ay socotay ugu yaraan 20 daqiiqo sidoo kalena tirada dhimashada ay ka badan tahay inta ay militariga shaaciyeen.
Tani ayaa tirada saraakiisha booliiska iyo kuwa difaaca ee India sanadkan gudihiisa looga dilay Kashmiir ka dhigaysa 17.