Kalkaaliyaasha Meru oo soo saaray wargelin ku aaddan shaqo joojin

0
133

Kalkaaliyaasha ka howlgalo isbitaallada ismaamulka Meru ayaa sheegay in 14 cishe ka dib ay shaqo joojin ku dhaqaaqi doonaan.
Waxay dowladda hoose ee ismaamulkaasi ku dhaliilayaan in ay ku guul dareysatay dhaqangelinta heshiis ay la saxiixatay bishii Afaraad ee sanadkan.
Kalkaaliyaasha Meru ayaa bayaan ku sheegay in ay bishii Sagalaad ee sanadkii 2023-kii hoggaanka dowlad deegaankaasi ay la galeen heshiis dhanka shaqada ah.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in kastoo la isku afgartay in tabashooyinkooda la xallinaya bishii Afaraad ee 2024-ka haddana in ilaa iyo hadda aan waxba loo qaban.
Waxyaabaha ay ka cabanayaan waxaa ka mid ah in tiradoodu ay yartahay marka loo barbardhigo xarumaha caafimaadka ee ay ka howlgalaan oo ah ugu yaraan 72.
Sidoo kale waxay sheegeen in miisaaniyad sanadeedka ismaamulka Meru aan lagu soo darin shaqaaleysiinta ugu yaraan 500 oo ah saraakiisha caafimaadka.
Kalkaaliyaasha ayaa wacad ku maray in ay labo toddobaad ka dib shaqo joojin billaabayaan haddii aan la xallin dalabaadkooda.