Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shacabka u xaqiijiyay inuu diyaar u yahay la tashiga hoggaamiyaasha siyaasadeed ee kala duwan si loo xalliyo dhibaatooyinka waddanka ka taagan.
Balse wuxuu xusay in aynan qasbi doonin hoggaamiye aan daneynayn wada tashi.
Caqabadaha jira waxaa ka mid ah culeyska deymaha la qaatay xilligii maamulkii hore iyo la dagaallanka musuqmaasuqa sida laga soo xigtay madaxweyne William Ruto.
Waxaa uu intaasi ku daray in xallinta dhibaatooyinkan ay u baahan tahay in dhammaan madaxda ay muujiyaan mas’uuliyad wadareed.
Dhanka horumarka , madaxweyne William Ruto ayaa shacabka ismaamulka Nakuru u sheegay in 2 bilyan oo shilin loo qoondeeyay barnaamijka xiriirinta adeegga korontada oo ay ka faa’iidi doonaan ilaa 30,000 oo qoysas ah.
Sidoo kale waxaa uu beeralayda Qaxwada, Galleyda, Caleenta Shaaha , Baraadhada iyo dadka ka ganacsado caanaha xoolaha u xaqiijiyay in waaxyahan isbeddel lagu sameeyay.
Waxaa uu sheegay in ismaamulka Nakuru laga dhisaya 20 suuq oo loogu talagalay badeecooyinka laga soo saaro beeraha tani oo xoojin doonto ganacsiga.
Madaxweyne William Ruto ayaa intii uu ku sugnaa Nakuru waxaa uu kormeeray dhisidda suuq ay ku ganacsan doonaan in ka badan 2,000 oo qof .
Mashruucan ayuu sheegay inuu shaqo abuur u noqonaya ugu yaraan 500 oo ruux.
Goor sii horreysay, madaxweynaha dalka ayaa deegaanka Bariga Nakuru ku daahfuray dhisidda goobta baabuurta laga raaco ee Nakuru oo lagu baakimi doono ilaa 5,000 oo ah gaadiidka dadweynaha ee mataatuuda.
Sidoo kale, waxaa uu dhagax dhigay dhisidda suuqa Keringet Market ee deegaan baarlamaneedka Koonfurta Kuresoi ee Nakuru .
Madaxweynaha ayaa sidoo kale si rasmi ah u furay machadka tababarka farsamada ee Njoro Technical Training Institute ee deegaanka Njoro .
Waxaa madashaasi madaxweynaha ku wehelinayay xildhibaanno, barasaabka ismaamulka Nakuru Susan Kihika iyo wakiillada deegaannada hoose.