Tuhmanaha ugu weyn ee lala xiriirinaya dilalka meydadka laga helay goobta qashin-qubka ee Kware oo ka tirsan xaafadda isku raranta ee Mkuru Kwa Njenga ee deegaanka Koonfurta Embakasi, ismaamulka Nairobi ayaa qirtay dilalka meydadka la helay.
Agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee (DCI) Mr. Maxamad Ibraahim Aamiin oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Collins Jomaisi Khalisia oo 33 sano jira ah, oo su’aalo la weydiiyay uu shaaca ka qaaday inuu dilay 42 haween ah intii u dhexeysay sanadkii 2022-kii ilaa 11-kii bishan ee sanadkan oo uu qofkii ugu dambeeyay ka takhalusay.
Aamiin ayaa xusay in Khalisia uu qofkii ugu horreeyay uu dilay ay ahayd xaskiisii xilligaasi oo uu ceejiyay, uuna jarjaray ka hor inta uusan ku tuurin qashin-qubka.
Waxaa uu intaasi ku daray in eedeysanaha saaka laga soo qabtay xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi.
Mr. Aamiin ayaa xusay in howlgalka lagu soo qabtay eedeysanaha ay iska kaashadeen saraakiil ka tirsan waaxda dambi baarista ee DCI-da iyo booliiska.
Xarigga eedeysanaha ayaa daba socday ka dib baaritaan lagu sameeyay taleefoonkeeda gacanta oo ay lahayd mid ka mid ah meydadka la helay oo lagu magacaabi jiray Josephine Owino.
DCI-da ayaa sheegtay in Josephine Owino oo la waayay labo toddobaad ka hor uu eedeysanaha talefoonkeeda lacag ka dirsaday.
Eedeysanaha ayaa markii la xiray ka dib laamaha ammaanka geeyay gurigii u degganaa oo hal qol ka kooban oo ku yaalla aaga Kware, oo qiyaastii 100 mitir u jirta goobta qashin-qubka ee meydadka laga helay.
Qolka eedeysanaha ayaa laga soo helay agabyo kala duwan oo isugu jira 24 leeman oo ay leedahay shirkadda isgaarsiinta ee Airtel ah, 8 oo ah nooca taleefoonada casriga ah ee smartphones, hal Laptop, 2 Flash iyo mindi la rumeysan yahay in loo adeegsaday dadka la dilay.
Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale soo helay 12 jawaan, galoofyada gacmaha la gashto iyo 6 kaar oo aqoonsi ah oo 2 ka mid ah dumar yihiin.
Guriga tuhmanaha iyo goobta qashin-qubka ee Kware ayaa haatan loo aqoonsaday goob dambi ka dhacay iyadoo booliiska ay aagaasi kawadaan baaritaanno.