Koox u ololeysa arrimaha bulshada oo sheegtay in ay ka walacsan yihiin xaaladda ka taagan dalka ayaa madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ugu baaqday in uunan la heshiin dowladda.
Prof. Fred Ogolla oo shakhsiyaadkan ka mid ah ayaa sheegay in Mr. Odinga iyo xulafadiisa laga doonaya inay ku ekaadaan howshooda mucaaradnimada si ay dowladda ula xisaabtamaan.
Waxaa uu madaxweynaha ku boorriyay inuu ku baaqo doorasho xilligeedi laga soo horumariyay oo la qabanaya muddo 60 cishe gudaheeda ah.