DHAGEYSO:Gachagua oo ku baaqay in la soo magacaabo wasiirro aan siyaasad ku mashquuli doonin

0
217

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua oo soo dhaweeyay tallaabadii uu madaxweyne William Ruto ku kala diray golihiisi wasiirrada ayaa ku taliyay in la xaqiijiyo in wasiirrada cusub ee la soo magacaabaya ay yihiin kuwo aan siyaasad ku mashquuli doonin.
Hoggaamiyaha dalka ayuu ku boorriyay inuu fursadda siiyo shakhsiyaad si dabacsan ula hadli karo kenyaanka.
Rigathi Gachagua ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah wasiirradii xilalka laga qaaday ay dadweynaha ula macaamili jireen si isla waynin iyo liiditaan laga dheehan karo.
Waxaa uu madaxweynaha qaranka William Ruto ku ammaanay inuu dhageystay rabitaanka kenyaanka oo uu qaatay go’aan geesinnimo leh.

Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxweynaha dalka William Ruto uu ballan qaaday inuu sameyn doono wada tashiyo ballaaran ka hor inta uunan soo dhisin xukuumad cusub si qaybaha kala duwan ee shacabka ay matalaad ugu yeeshaan dowladda sidoo kalena loo xoojiyo midnimada rayidka.