Madaxwaynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa dhaawac dhagta ah uu soo gaaray balse xaaladdiisa ay wanaagsan tahay, sida uu sheegay ololihiisa doorashada ka dib markii rasaas lagu furay isaga oo ka hadlayay isku soo bax olole doorasho oo ka dhacay gobolka Pennsylvania.
War qoraal ah oo uu soo saaray ololaha Trump ayaa lagu sheegay in madaxweynihii hore Maraykanka lagu daweeyay xarun caafimaad oo maxalli ah.
Waxaa uu u tegay magaalada Butler ee gobolka muhiimka u ah ololihiisa doorashada si uu isu soo bax ugu qabto.
“Madaxweyne Trump wuxuu uga mahadcelinayaa booliiska iyo gurmadka degdegga ah iyo qaabka ay uga falceliyeen falkan foosha xun,” ayuu afhayeenka Trump Steven Cheung ku yiri bayaan uu soo saaray.
Waxaa uu xusay in xaaladda Trump ay wanaagsan tahay islamarkaana lagu daweynaya xarun caafimaad oo deegaanka ah, isagoona sheegay in faahfaahin dheeraad ah ay dib ka soo saari doonaan.
Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa sidoo kale qoraal uu soo saaray ku yiri “waxaa la igu toogtay xabad taasi oo jartay qaybta sare ee dhagtayda midig”.
“Waxaan islamarkiiba ogaaday in ay wax ka khaldan yihiin in aan maqlay dhawaaqa xabbado, islamarkiiba waxaan dareemay in xabbaddu ay jartay maqaarka,” Waxaa sidaas qoraal uu soo dhigay barta Truth Social ku yiri Trump, oo aan dhaawac halis ah soo gaarin.
“Waa wax cajiib ah in falkan oo kale uu ka dhici karo dalkeena.” ayuu sii raaciyay Trump
Dhanka kale, ilaallada gaarka ah ayaa qoraal ay soo saareen ku yiri “dhowr toogasho ay ka timid meel dusha sare ka ah dhulka oo ka baxsan goobtii uu Trump ka hadlayay.”
Waxay sidoo kale sheegeen in hal qof oo ka mid ah dadkii daawanayay Trump uu ku dhintay weerarka, labana dhaawac halis ah uu ka soo gaaray toogashada.
Dhanka kale, madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa yiri “qof walba waa inuu cambaareeyaa weerarka, rabshadaha noocaan ah meelna kuma lahan Maraykanka, waa wax xun.”
Sidoo kale, xeer ilaaliyaha magaalada Butler ayaa sheegay in la dilay ninkii rasaasta furay ee toogashada sameeyey.
Waxaa sidoo kale dhintay qof shacab ahaa oo goobta ku sugnaa.
Trump ayaa soo bandhigayay shaxda tirada dadka muhaajiriinta ah ee ka soo gudbaya xadka Mexico markii ay billaabatay maqalka dhawaaqa rasaasta.
Trump ayaa la arkayay isagoo gacantiisa midig qoorta ku haya, waxaana ka muuqday wajigiisa dhiig.
Waxaa si degdeg ah isugu gadaamay saraakiisha illallada gaarka ah ee Secret Service, kuwaas oo ka dib kala cararay masraxa, iyada oo dadweynihii goobta isugu yimid ay qaylinayeen.
Dadweynaha ayaa farxad la qayliyey markii uu Trump dhulka ka soo kacay isaga oo xabadka garaacaya.
Waxaa ka dib goobta loogala cararay baabuur.
Booliska ayaa ka dib billaabay in ay goobta ka daadgureeyaan dadka, ka dib markii Trump uu ka tegay.