Maxkamadda oo diiday in ay hakiso canshuurta guriyaha

0
397

Guddi ka kooban saddex garsoorayaal ayaa dhinac iskaga dhigay codsi lagu doonayay hakinta canshuurta guriyaha ee ay dowladdu soo saartay.
Xaakinnada ayaa sheegay in tixgelinta codsigan ay liddi ku tahay danta guud.
Waxay sheegeen in shakhsiyaadka dacwadda gudbiyay aynan soo bandhigin qiil wax ku ool ah oo dowladda looga hor istaagi karto in kenyaanka ay lacago ku biiriyaan sanduuqa guriyaha la awoodi karo ee la dhisaya.
15-kii bishii Shanaad ee sanadkan ayay ahayd markii madaxa waaxda cadaaladda dalka garsoore Martha Koome ay xaakinnada kala ah Olga Sewe, John Chigiti iyo Josephine Mongare ay u magacawday in ay dhageystaan oo ay go’aan ka soo saaraan dacwadda ka dhanka ah canshuurta guriyeynta ee Housing Levy.
Waxaa dacwaddan maxkamadda geeyay ilaa 5 qof oo uu hor kacaya Dr .Magare Gikenyi Benjamin.
Waxay doonayeen amar lagu hor istaagaya dhaqangelinta xeerka guriyaha la awoodi karo ee uu madaxweynaha dalka William Ruto saxiixay bishii Saddexaad ee sanadkan.