Madaxweynaha dalka oo dhawaan khudbad jeedin doono

0
412

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa lagu wada inuu abaare 2-da duhurnimo ee maanta uu jeediyo khudbad qaran.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday xoghayaha dhanka warfaafinta ee madaxtooyada State House Emmanuel Talam in kastoo uunan faahfaahin waxyaabaha uu Ruto khudbadiisa diiradda ku saari doono.
Hoggaamiyaha dalka ayaa galabta markii afaraad la hadli doono kenyaanka saddex toddobaad gudahooda.
5-tii bishan Toddobaad ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka shaaciyay tallaabooyin dhowr ah oo lagu yareynaya qarashaadka howlaha dowladda .
Waxaa ka mid ahayd in meesha laga saaray miisaaniyadii la siin jiray xafiisyada marwada koowaad ee dalka , marwada madaxweyne ku xigeenka iyo marwada madaxa wasiirrada.
Sidoo kale waxaa la hakiyay safarrada aan muhiimka ahayn iyadoo madaxweyne William Ruto uu xilligaasi shaaciyay in la jebinaya 47 ka mid ah shirkadaha dowladda ee ay shaqooyinkooda isku dhow yihiin.
Khudbadda madaxweynaha ee maanta ayaa imaanaysa iyadoo si wayn loo hadal hayo inuu isku shaandheyn ku sameynaya golihiisa wasiirrada , tani ayaana ka mid ahayd waxyaabihii ay dalbanayeen kenyaanka xilligii ay socdeen dibadbaxyada.